Dadka badankiis waxay rumaysan yihiin in jidka guusha nolosha uu yahay mid adag oo dhib badan. Qofku si uu nolosha guul uga gaadho horta waa inuu yaqaan waxa uu doonayo inuu xaqiijiyo taas waxaan ugala jeedaa hadafyadiisa iyo yoolashiisa.
Xaqiiqadu waxa ay tahay in guushu ay macno badan tahay, dadka qaarkood waxaa guul u ah inay xorriyad dhaqaale, halka ay guusha u arkaan inay ka shaqeeyaan wax ay jecel yihiin.
Waxaa muhiim ah inaad guushada noloshaada aadan ku cabbirin dadka kale heerka ay ku joogaan qofka kaliya ee ay tahay isbarbardhigto waa adiga, isweydii shalay sidaan ahaa ma ka fiicanahay.
Waxyaabaha ugu daran ee guusha nolosha kaa hortaagan waa hab fakarkaaga, haddii aad xukumi karto fikirkaaga, noloshaasana waad maamuli kartaa.
Si kasta oo uu qofku ugu dadaalo in uu guul, haddana dhibtu waxa ay tahay in aanu marnaba ogeyn in jidka uu hayaa uu yahay kii uu ku gaadhi lahaa guusha uu hiigsanayo